GAROOWE – Dawladda Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khatarta ka iman karta urur diimeed cusub oo kusoo kordhay Soomaaliya kaasoo ay kaga hadleen shirkoodii khamiislaha ee shalay ku yeesheen Garoowe.
Shirkii khamiislaha ee gollaha Xukuumadda ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka,abaaraha iyo xeerarkii la ansixiyey.
Warmurtiyeed laga soo saaray gabagabadii shirka ayaa lagaga digay khatar ay sheegeen in ay kusoo korartay Soomaaliya ,iyagoona ugu baaqay dowladda Federaalka,maamulada dalka iyo culimada in si wadajir ah loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.
Ururka takfiiriga ah oo maalmahan ummadda soomaaliyeed kala hadlyay warbaahinta, iyagoo sheegay baaqyo kala dambeeyey oo ku saabsan caqiidada islaamka sidaa darteed owladda Puntland wacay ugu baaqaysaa dowladda federaalka Soomaliya, Maamuladda xubinta ka ah dowladda Federaalka iyo culumada Soomaaliyeed in si deg deg ah la iskaga kaashado si loo yeesho siyaasad mideynsan oo ku wajahan khatarta amnig iyo caqiiqdo oo ku soo korodhay gayiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Muddooyinkii ugu dambeeyey ,waxaa warbaahinta bulshada muuqaalo ay soo duubeen ku faafiyey koox diimeed la magac baxday Jamaacadda Al-Saadiciin Bil-xaq(kooxda aan xaqa la gaban),waxaana muuqaalada ka dhex muuqday shaqsiyaad si weyn looga yaqaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland.
SAHANONLINE.COM
Leave a Reply