SAHAN ONLINE

  • HOME
  • Somali News
  • World News
  • News in English
  • Sports
  • Opinion
  • Video
  • Contact

Arsenal oo markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga[Sawirro]

May 28, 2017 Leave a Comment

Share this:

  • Click to share on Facebook (Opens in new window)
  • Click to share on Twitter (Opens in new window)
  • Click to share on Google+ (Opens in new window)
  • Click to email this to a friend (Opens in new window)

Aaron Ramsey ayaa laba fiinaal dhaliyay goolka ay kooxdiisa ku qaadday koobka FA-ga

Kooxda Arsenal ayaa markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga kaddib markii ciyaar loo bogay ay 2-1 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Chelsea.

Chelsea ayaa ku rajoweyneyd in koobka FA-ga ay ku darsato midka Horyaalka Ingriiska ee ay xilli ciyaareedkan ku guulaysatay balse taas Arsenal ayaa diidday oo sidaana tartanka FA-ga ugu dhigtay rikoor cusub.

Natiijada Arsenal ayaa ka dhigan in tababare Arsene Wenger uu yahay tababaraha ugu guusha badan taariikhda tartankan oo waxa uu ku guulaystay todoba jeer.

Arsene Wenger, tababaraha kooxda Arsenal ayaa noqday tababaraha ugu guusha badan taariikhda tartanka FA-ga oo waxa uu ku guulaystay todoba jeer.

Kooxda Gunners ayaa si uu muran ku jiro daqiiqaddii shanaad ku dhalisay goolka koobaad oo waxaa u saxiixay laacibkooda Alexis Sanchez, hasayeeshee calanwadaha ayaa calanka kor u taagay isagoo muujiyay in Aaron Ramsey uu ka horreeyay ciyaartoyda Chelsea. Hasayeeshee Ramsey ayaanan taaban kubadda taasna waxa ay u sahashay Sanchez inuu kubadda la ordo oo uu shaqaba cuksiiyo.

Arsenal ayaa iska maamulanaysay qeybtii hore ee ciyaarta oo waaba ay labayn lahaayeen balse Danny Welbeck ayaa tiirka goolka ku dhuftay kubad uu madaxa lahelay, Ramsey-na isla tiirkii ayaa u diiday isla kubadii oo uu xabadka ku soo celiyay.

Aaron Ramsey oo u dabaaldegaya goolka ay kooxdiisa ku qaadday koobka FA-ga ee uu dhaliyay

Victor Moses ayaa qeybtii labaad waxaa laad qurxoon ka badbaadiyay goolhaye David Ospina, ka hor inta aanan loo taagin kaarkii labaad ee huruudda sidaana looga saaray ciyaarta daqiiqaddii 68-aad kaddib markii uu isku tuuray xariiqqa rigoorada.

Markii ay 14 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta ayaa kooxda Blues-ka lagu naanayso ee Chelsea waxaa ciyaarta ku soo celiyay oo goolkii barbarada u dhaliyay Diego Costa, hasayeeshee laba daqiiqo un kaddib ayaa goolka guusha waxaa Chelsea ka dhaliyay ciyaaryahan Ramsey. Ciyaaryahankan u dhashay Wels ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee ay Arsenal 2014-kii koobka FA-ga kaga qaadday kooxda Hull City.

BBC Somali

SAHANONLINE.COM

Share this:

  • Click to share on Facebook (Opens in new window)
  • Click to share on Twitter (Opens in new window)
  • Click to share on Google+ (Opens in new window)
  • Click to email this to a friend (Opens in new window)

Related

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

Faahfaahin: Iska Hor imaad ka dhacay maanta Xerada Jen. Gordon ee Muqdisho

Faahfaahin: Iska Hor imaad ka dhacay maanta Xerada Jen. Gordon ee Muqdisho

MUQDISHO: Iska hor imaad dagaal oo ka socda Xerradii hore ee Tababarka Imaaraadka

MUQDISHO: Iska hor imaad dagaal oo ka socda Xerradii hore ee Tababarka Imaaraadka

Maxamed Salax oo ku Guuleystay Abaalmarinta PFA ee sanadka 2018ka

Maxamed Salax oo ku Guuleystay Abaalmarinta PFA ee sanadka 2018ka

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo xilka iska casilay iskuna sharaxay Afhayeenka Baarlamaanka dalka

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo xilka iska casilay iskuna sharaxay Afhayeenka Baarlamaanka dalka

Khayre oo sheegay in Deeqaha La Siiyo Somaliya Lagu soo Shubayo Akoonada Dowladda Federaalka

Khayre oo sheegay in Deeqaha La Siiyo Somaliya Lagu soo Shubayo Akoonada Dowladda Federaalka

Wasiirkii hore ee Dekedaha Puntland oo ka hadlay Warqad Muran dhalisay oo Loo Diray CCECC

Wasiirkii hore ee Dekedaha Puntland oo ka hadlay Warqad Muran dhalisay oo Loo Diray CCECC

Opinion /Maqaalada

Haddaan Saxaafada Puntland la Taageerin, Mustaqbalka Dalku Muxuu Noqonayaa?

Haddaan Saxaafada Puntland la Taageerin, Mustaqbalka Dalku Muxuu Noqonayaa?

Categories

Wararka u danbeeyey

  • Faahfaahin: Iska Hor imaad ka dhacay maanta Xerada Jen. Gordon ee Muqdisho
  • MUQDISHO: Iska hor imaad dagaal oo ka socda Xerradii hore ee Tababarka Imaaraadka
  • Maxamed Salax oo ku Guuleystay Abaalmarinta PFA ee sanadka 2018ka

Social

  • View sahanonlinecom’s profile on Facebook
  • View sahanonlinecom’s profile on Twitter
  • View #’s profile on YouTube
  • View #’s profile on Google+

Copyright © 2018  ·  SAHAN  ·  Contact

loading Cancel
Post was not sent - check your email addresses!
Email check failed, please try again
Sorry, your blog cannot share posts by email.