BOOSAASO – Muddooyinkii dambe ,ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryar ee Puntland ayaa cabasho ka muujiyey cashuuro dheeraad ah oo ay Wasaaradda Maaliyadda Puntland kusoo rogtay taasoo sababtay iney albaabada u laabaan dhammaan xarumihii ganacsiga ee magaalada ku lahaayeen.
Waxaa la xiray xarumihii shirkadaha iibiya qalabka dhismaha, kuwa ka ganacsada qalabka korontada, mobiladda, dharka, cuntada iyo ganacsigii yar yaraa ee suuqa weyne Bosaso, Ganacsatada ayaa ka cabanaya cashuuraha laga qaado macaashka kiradda guryaha oo dowladu kor u qaaday, taasi oo ganacsatadu sheegeen in ay sharci daro tahay.
Wasaaradda maaliyadda waxay kordhisay lacagihii laga qaadi jiray Meheradaha ganacsiga ee Macaashka daaraha, taasi oo ay sheegeen in ay ku waajibtay kiradda guriga laga qaadayo, oo khasab laga dhigay inay bixiyaan shirkadaha guryaha ku jira, halkii laga qaadi lahaa dadka iska leh guryaha” sidaas waxaa horseedmedia u sheegay Ganacsade magaciisa qariyay.
Xarunta rugta ganacsiga Puntland ee Bosaso oo uu ka socday shir u dhexeeyay dowladda iyo ganacsatadda , kaasi oo lagaga arrinsanayay cashuuraha daaraha iyo xarumaha ganacsiga ee maanta la xiray, ayaa sidoo kale xarunta bannaankeeda isugu yimid boqolaal ganacsato ah oo ka cabanaya Cashuuro ay sheegeen inay xadhdaaf yihiin oo dowladu soo rogtay
Shirka oo muddo saacado socday ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday ka dib markii xukuumada Puntland ku adkaysatay inaysan dib uga laabanayn cashuuraha laga qaadayo macaashka kirada guryaha, iyadoo dowladu ka codsatay ganacsatada inay di bu furaan xarumaha ganacsigooda, waxaana lagu ballamay in dib la isugu soo laabto maalinta beri ah.
Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay horseedmedia waxay sheegeen in wasaaradu ay ka doonayso $100 dollar cashuur dhan 4% taasi oo laga qaadi doono ganacsatada guryuhu u kiraysan yihiin, halkii laga qaadi lahaa mulkiilayaasha guryaha, waxayna ganacsatadu sheegeen inaysan suurtagal ahayn inay iyagu bixiyaan.
Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waxay Idaacadaha iyo baabuur microphone ku xiran yihiin ku baahinaysa fariimo ku saabsan cashuurta macaashka guryaha, iyagoo ganacsatada iyo dadka guryaha iska leh ka codsanyay inay bixiyaan cashuurta
Cashuurtan ayaa sidoo kale laga hirgaliyay caasimadda Garoowe, iyadoo dowladdu ay bulowday in Cashuurta laga qaado guryaha ay kiraystaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa qaramada mdoobay.
SAHANONLINE.COM
Leave a Reply