BOSASOO-Koox dhakhaatiir ah oo ka socotay Jaamacadda Al-azhar ee dalka Masar oo shalay soo gaaray magaaladda Bosaso ayaa maanta ka bilaabay cusbitaalka Guud hawlo caafimaad oo isugu jiraa Baritaan,Daaweyn, iyo qaliimo loo sameeynayo dadka dan yarta ah ku nool magaaladda.
dhakhaatiirtan oo takhakhusaad kala duwan leh waxaa hoggaaminayay safiirka Masar u fadhiya magaaladda muqdisho Waliid Ismail, iyagoo muddo 5 maalmood ah ku sugnaan doono magaaladda Bosaso
“ kooxda dhakhaatiirta ee halkan (Bosaso) ka howlgalayso waxay ka kooban yihiin 11 dhakhtar oo 10 ka mid ah ay takhakhusaad leeyihiin, waxaa kaloo la socda xirfadlayaal kale, guud ahaan waa 15 qof” ayuu yiri Maxamed Al-cabdi oo hoggaaminay kooxda Dhakhaatiirta.
Wuxuu sheegay in mudada ay joogaan ay adeegyo caafimaad oo bilaasha ah u fidin doonaan Ciidamada kala duwan ee Puntland iyo eheladooda, taasi oo uu sheegay inay tahay deeq ka timid dalka masar oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed walaalahooda ah.
“ dhammaan adeegyadda caafimaad ee aan bixinayno waa bilaash, oo ku jirto daawo tayadeedu sarayso oo bilaasha ah oo la siin doono dadka” ayuu yiri.
Boqolaal qof oo u badan dumar, caruur iyo dad waayeel oo ka kala yimid xaafadaha Magaaladda iyo degaamadda ku dhow Bosaso ayaa buuxdhaafiyay cusbitaalka, kuwasoo danaynayaa inay ka faa’iidaystaan adeegyada caafimaad ee lacag la’aanta ah.
Safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa bishii may booqasho ku yimid magaaladda Garoowe, waxaana uu la kulmay Madaxda Puntland, isagoo ballanqaaday in dowladda Masar ay maamulka Puntland ay ka caawin doonaan adeegyada caafimaadka, waxbarshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
SAHANONLINE.COM
Leave a Reply