MUQDISHO – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta heshiis taariikhi ah la gashay Dowladda Mareykanka muddo 30 sano ah kadib.
Heshiiska ayaa ku kacaya ku dhawaad $300 oo miylan oo dollar,waxaana wax looga qaban doonaa arrimaha Caafimaadka,Waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Dhanka Soomaaliya ,waxaa heshiis u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle iyo Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan,iyadoona uu goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha Wadooyinka la gashay dowladda Qatar taasoo ay ku baxayso lacag dhan 200 oo milyan oo dollar.
SAHANONLINE.COM
Leave a Reply