Wakaaladda wararka ee SONNA sida ay qortay .guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa saaka waaberigii la wareegay deegaanka Moqokori oo qiyaastii 40km u jira degmada Maxaas halkaasoo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen gaadiid dagaal,saanad hub iyo raashin ay Al-Shabaab keydsadeen.

Ururka Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada ciidamadda ee ku aadan la wareegida deegaanka Moqokori.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhammaadkii bishii December ee sanadkii 2016 dib ula wareegay deegaanka Moqokori kaddib markii ay isaga baxeen ciidankii dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa deegaanka.

SAHANONLINE.COM