Labada ma’uul ayaa kawada hadlay xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u djaxeeya.
Waxay kaloo ay kawada hadleen arrimaha ka taagan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Labada dhinaca waxay xaqiijiyeed dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga C/qaadir Ahmed-Kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam Dagaal ayaa kulanka goobjoog ka ahaa.

SAHANONLINE.COM