Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ah ee dhexmaray Somaliland, DP World iyo Dowladda Itoobiya in aanu aheyn mid cusub, balse uu ahaa heshiis dhameystir ah.

Guri Barwaaqo ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha looga baahan yahay in uu mideeyo degmooyinka Muqdisho oo aanu maamulin, intii uu ka hadli lahaa waxa uu ugu yeeray riyada midnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugnaa Imaaraadka Carabta, xilligii la saxiixayay heshiiskii saami qeybsiga Dekeda Berbera ayaa ku tilmaamay in heshiiskaas uu sharci darro yahay.

SAHANONLINE.COM